Hab Daweyn Lahubo

XARUNTA TEYSIIR

Dhaqtarinta Takhasusiga

Waa xarun dhaqtarin (caafimaad) oo leh bukaan eekto. Teysiir waxay isticmaashaa hab-daweyn Nabawi ah, hab-daweyn Dabiici ah iyo Nafaqeynta…

Teysiir waa xarun dhaqtarin oo soo shaqeyneysay, mudo 17 sano, waxay leedahay khibrad balaaran oo xaga daweynta dabiiciga ah. Allah mahad leh…Teysiir baa … mudan amaan.

Astaanteenu Waa “Aqoon iyo Amaano”

 

Hadafka Teysiir

Hadafka teysiir waa in la xaqiijiyo, Labadan qodob oo kala ah :-

  • Ka hortaga cudurka & xanuunka iyada oo la isticmaalayo Nafaqaynta
  • Daweynta xanuunka iyada oo la isticmaalayo Daweynta Dabiiciga ah.

Aragtida Teysiir

Aragtida teysiir waa in bulshada soomaaliyeed laga haqabtiro mustaqalka dhow   Hab-daweyn aamin ah (Aan raad-reeb xun la hayn) oo ka kooban sadax nooc:-

  • Hab-daweynta Nabawiga [Prophetic Medicine]
  • Hab- daweynta Dabiiciga [Alternative Medicine]
  • Daawo dhaqameedka soomaaliyeed                  [ Traditional Somali Medicine]

Nagu Saabsan

Xarunta Teysiir ee Dhaqtarinta Takhasusiga

Xarunta TEYSIIR waxaa ka hawlgala dhaqaatiir uu hormuud u yahay  sheekh-dhaqtar  Cabdullaahi Xuseen ‘’Balaaqa’’.

Dhaqtarku wuxuu ku takhasusay hab-daweynta nabawiga iyo hab-daweynta dabiiciga, dhaqtarku wuxuu leeyahay khibrad ka badan 17 sano oo ku saabsan hab-daweynta aaminka ah, (Nabawi & Dabiici)

Wuxuu soo daweeyey kumanaan bukaan oo ka cabanayey xanuuno kala duwan, kuwaas oo qaarkood la noolaa xaalado caafimaad oo  caalwaa ah! Sida kuwo la noolaa xanuunka tufta [Rhemotoid Arthritid]. Xanuunka dhanjafka

[Magrain] xanuunka sooha murqaha [Fibromyalgia] neerfo xanuunka xun [ MS disease] iyo xanuuno kale oo la mid ah kuwaas oo u badnaay xanuuno gaamuray [Chronic Disease]

Adeegyadeena

Ugu Kaalay Teysii Adeeg Tayeysan r

HAL-DOORKA HAB-DAWEYNTA TEYSIIR

Lixda Tiir

Ee Daweynta

dhaqtarintaTeysiir

Cuntada oo la saxo macnaheedu waa cunto caafimaad leh oo isku dheelitiran in la quuto, si loo ilaaliyo caafimaadka la haysto, loogana fogaado caafimaad daro imaan karta, oo marka horeba ka dhalata cunto xumi ama nafaqo daro!.

Uuminta jirka waa hab jirka lagu uumiyo ama lagu kululeeyo si looga saaro jirka dhidid-qashinka, loona dabciyo xubnahaha jirka ee qallafka noqday,- Seedaha, Murqaha Iyo Xididdada.

Daliigga jirka waa hab-daweyn dabiici ah oo caalami ah, waxaa lagu dabiibaa xanuuno iyo cabashooyin badan. Daliigga waxaa loo isticmaalaa qalabyo kala duwan iyo xirfad ku dhisan gacant-daliig.

Toobinku waa hab-daweyn Nabawi iyo Dabiici wada ah, oo lagu dabiibo xanuuno badan oo kala cayn-cayn ah…Toobinka teysiir waa toobin ku dhisan khibrad 18 sano ah, oo lagu soo dabiibayo wax badan (200) labo boqol oo kiis oo isugu jira cabasho iyo cuduro, kala jaad ah.

Daawo-dhireedka waa hab-dawayn dabiici ah, oo caan ka ah aduunka, waayahan dambe aad ayay usoo korortay isticmaalkeeda, daawo dhireedka waxaa lagu hagaajiyaa bad-qabka jirka ama waxaa lagu daweeyaa xanuunada jirka ee kala duwan.

Jimicsiga jirka waa hab dabiici ah oo aad ugu fiican kobcinto caafimaadka jirka, wuxuu leeyahay noocyo kala duwan oo socodka iyo dabaashu ugu muhiimsan yihiin ay waxaa lagu xaliyaa cabashooyinka caafimaad oo u badan, lafaha,seedaha,murqaha.

Hel adeeg caafimaad adigoo booqanaya xarunteena Teysiir

Xarunta Teysiir ee Dhaqtarinta Takhasusiga waa xarun lagu bixiyo adeegyo caafimaad oo la xiriira daaweynta iyo taageerada dadka la dhibaataysan ee isticmaalka maandooriyayaasha. Xaruntan waxay siisaa adeegyo kala duwan, sida:

Cafimadkaaga ku Tayey Adiga oo

isticmaalaaya Adeegyada Teysiir

Xarunta Teysiir ee Dhaqtarinta Takhasusiga waxay bixisaa adeegyo caafimaad oo kala duwan si loo caawiyo dadka la dhibaataysan. Adeegyadan waxaa ka mid ah:

0 +

Bukaano Laqaabialy

0 +

Bukaanada Latoobay

0 Sano

Qibrad

Qoraaladii U danbeeyay

Toobinku aad ayuu ugu fiican yahay lugo xanuunka ,(( Lugo…

Daawo Qarraas waa daawo ka kooban, geedka gubtahanto /caleentiisa xididkiisa…

Marka la joogo dhaqtarinta ereyga iskuraran [ Syndrome ] waa…

Toobinku aad ayuu ugu fiican yahay xalinta ama cilaajinta caajiska…

Hawsha toobista marka ay dhamaato waxaa jira dardaaran la siiyo…

Macnaha Toobidda Toobid waa koobab gaar ah, oo toobinka lagu…

HAB-RAACA DHAQTARINTA TEYSIIR

• Jarashada ama goosashada kaarka qaabilaada dhaqtarka si toos ah ama si online ah.
• La kulanka dhaqtar iyada oo lala qaadanayo waqti ku filan kiiska bukaanka..
• La tashi mararka qaar lala tashado dhaqaatiir kale,si loo asiibo daweynta ama bukaanka nafsiisa oo qeyb laga siiyo talada hab-daweyntiisa.
• Talo saarasho Rabbi, kadib khibrada dhaqtarka oo lagu dhuftay xaalada caafimad ee ee bukaanka, waxay la mid tahay talo bixin caafimaad oo ku haboon xaalada bukaanka.
• Daawo qoris ku dhisan hab-daweyn dabiici ah, iyada oo markasta lagu salaynayo duruufaha bukaanka ee xaga dhaqaalaha.

Ballamaha

Sameyso Ballamaha

Si aad u sameysato ballamaha Xarunta Teysiir ee Dhaqtarinta Takhasusiga ama adeegyada kale ee caafimaadka, halkan waxaa ku qoran tallaabooyinka aad raaci karto:

Lambarka Adeegga Macaamiisha

+252 612 111770

Cinwaanada Xarunta

Suuqa Bakaaro, Agagaarka Masjidka Abu-hureyra.

Saacadaha Shaqada

Sabti - Khamiis ( 08:00 - 05:00 )