Adeegyadeena

Bogga Hore / Adeegyadeena

Adeegyadda Teysiir

Xarunta Teysiir waxay bixisaa adeegyo caafimaad oo kala duwan oo ku saleysan daaweynta dabiiciga ah iyo dhaqamada dawo-dhireedka, si loo taageero caafimaadka iyo nasashada dadka. Adeegyada aan bixino waxaa ka mid ah:

Cunto Sixid

Cunto sixidu waxay caawisaa dadka qaba xanuunada daba dheeraaday, dadka doonaya inay miisaankooda maareeyaan, ama dadka raba inay guud ahaan hagaajiyaan caafimaadkooda.

Uuminta Jirka

Waa farsamo soo jireen ah oo loo adeegsado hagaajinta caafimaadka jirka iyo maqaarka, waxaana badanaa lagu sameeyaa goobaha daaweynta dabiiciga ah ama goobaha lagu nasto.

Daliig Daawo

Xarunta Teysiir waxay u adeegtaa dadka xiiseynaya daliigga daawada iyagoo ku takhasusay isticmaalka saliidaha dabiiciga ah iyo dhirta daawada leh si loo hagaajiyo caafimaadka jidhka.

Toobin Daaweeye

Toobinta Daawada waa nooc ka mid ah daaweynta dabiiciga ah oo diiradda saareysa in jirka dib loogu celiyo dheellitirka iyadoo la adeegsanayo dhir ama daawooyin dabiici ah oo la isku daro.

Daawo Dhireed

Daawo dhireed waa isticmaalka dhirta ama qaybo ka mid ah dhirta (sida caleemaha, jirridda, xididdada, ama ubaxa) si loogu daweeyo caafimaadka jirka iyo maskaxda. Waa hab daaweyn oo soo jireen ah

Jimicsi Gaar ah

waa jimicsiyo si gaar ah loogu talagalay baahiyaha caafimaad ee kala duwan, iyadoo la tixgelinayo xaaladda jirka iyo dhibaatada caafimaad ee qofka.