TOOBINKA IYO LUGO XANUUNKA

Home 

Toobinku aad ayuu ugu fiican yahay lugo xanuunka ,(( Lugo Xanunka sadax qaab mid ayuu noqdaa, xanuun caadi ah , barar lugaha ah, xasaasiyad lugaha ah, laakiin Sababo keena luga xanuunka waxay noqon karaan

  1. Lugaha Oo Aad Loo Isticmaal Sida In Waqti Bada Lagu Taagnaado Ama La Fadhiyo,
  2. -Wareegga Dhiigga Ee Aaga Lugaha Oo Gaabis Noqda
  3. Xanuunada Wadnaha Iyo Kelyaha
  4.  Xanuunka Tufta Iyo Riixa.,
  5.  Ilahsada kabo cariiri ah .
  6. Xanuunka neerfaha lugta  (Geesta)
  7. Cadaadis ku yimaada neerfaha lugaha))

Sabata kasta oo lugo xanuunka keena, toobinka aad ayuu ugu haboon yahay in lagu xaliyo, dhibaatooyinka  lugaha sida :- lugo xanuunka, lugo daalka, lugo xanuunka gaamuray , lugo Baraka, xasaasiyda lugeedka.

 Marka la toobayo xanuunka lugaha waxaa la eegaa in xanuunka uu yahay mid ku kooban meelo cayiman iyo xanuunka uu yahay mid ku baahsan lugta oo dhan ..

hadii  xanuunku uu yahay mid ku kooban meeli cayiman, meelahaas iyaga ah, ayaa la toobaa iyada oo loo yeelanaayo toobinka taxadar iyo dalaal dheeraad ah, Laakiin marka xanuunku uu yahay mid lugta oo dhan ku baahsan waxaa la sameeyaa toobin badan ayaa la toobaa lugta iyada oo la raacayo habka toobinka lugo xanuunka ee jamciyada toobinka soomaaliyeed,

Waxaa ugu muhiimsan hab-raaca toobinka ee lugo xanuunka in loo kala qaato luga sadax oo kala ah

Marka la joogo bawdada waxaa loo kala qaataa bawdada qeybahaan soo socda :-

  • Bawdo duleed
  • Bawdo bananaan
  • Bawdo gudeed

  marka la toobayo shanshda waxaa  loo kala qaadaa :-

  • Shasho duleed
  • Shansho banana
  • bawdo gudeed

Marka  la toobayo lugta bawdada jilibka iyo shanshda waxaa haboon qofka wax toobayo in uu yaqaano murqaha lugta si uu toobinka ugu saleeyo muruqa ku yaala lugta, tusaale bawdada waxaa ku yaala ama ay leedahay murqo gaaraya illaa sideed muruq, oo mid cayn yahay mid dhuuban mid dheer mid balaaran mid yar, shanshada sidoo kale waxaa mara murqo gaaraya ilaa  sagaal muruq oo kala jaad ah.

Qaabka uu toobinku u xalin  karo lugo xanuunka

  • Tooobinku  wxuu xaliyaa caburka murqaha lugta iyo qalafsanaanta  murqaha iyo seedaha labodaba.
  • Toobinku wuxuu hagaajiya qulqulka wareega dhiigga, taas oo keenaysa in caabuqo uu yaraado
  • Toobinku wuxuu tayeeyaa hawlaha neerfaha lugta , taas oo sababta in kor loo qaado ku habista aaga xanuunsan nafaqo iyo oksijiin badan.
Share :