Toobinka Iyo Jugta Jirka Ku Dhacda [Bruise]

Home 

Marka jug ((JUGTU WAXAY KU IMAAN KARTAA KUFID, MEEL KASOO DHICID, KU DHUFASHO FEER AMA HARAATI AMA UL IWM))  ay soo gaarto, xubin ka mid ah qofka jirkiisa, waxaa dhacda in meeshaasi ay yeelato caburdhiig, maxaa yeelay, dhiigbax gudaha ah ayay jugtu sababtaa, xididdada oo qarxay awgeed.

Toobidda waa habka ugu  fiican oo lagu xaliyo cabur dhiiga meesha jugtu ku dhacday..

Dadka intooba badan way moog yihiin toobinka sida uu anfaca ugu leeyahay jugta, sidaa darteed dadku waaxay aadaan isticmaalka caabuqtireyaal {Antbiotics} si ay u xaliyaan jugta , marar badan dadku waxay ku dhaqaaqaan in ay isasoo saaraan raajo, si ay u hubsadaan in jab jiro iyo in kale ((Raajadu Waxay Noqotay Wax Dadku Ay Ku Dagdagaan In Ay Isasaaraan Marar Badan Dhaqaatiirta Lafaha Kama Baajiyaan Bukaanka Raajada Iyaga Oo Og In Aysan U Baahanayn!!))   Marka meel jirka kamid ah jug ay soo gaarto waxaa aad u fiican in lagu isticmaalo baraf,waa hadii barar ay keento jugtu, maxaa yeelay barafku wuxuu bi’iyaa xanuunka, wuxuu dhalaaliyaa dhiigga fadhiya meesha jugtu ay gaartay, kadibna waa in si aaan daah lahayn loo toobaa meeshaa iyada ah.

Hadii ay dhacdo in laga baaqsado toobidda meesha jugtu ku dhacdo, waxaa dhici karta, in meeshaasi ay eel dambe yeelato, Antibiyootiguna uusan xal wax ku ool ah uusan u noqon, daawada caabuqtiraha (Antibiotic) oo lagu hormaro waxay sababtaa in dhiigu uu xargago mudo kadibna uu noqdo sida feex oo kale.. 

Waa sax in daawada antibiyootiga ah loo isticmaalo jugta laakiin, ma haboona in loo arko xalka ugu fiican ee lagu xaliyo jugta, xalku waa baraf iyo toobid kala horeeya, daawo caabuq tire ah hadii laga maarmi waayo..

marka jug ay ku dhacdo meel jirka kamid ah jugtaasoo sababta barar waa in aan lagala daahin toobink oo sida ugu dhaqsiyada badan loo toobo

Mushkilad malaha toobista ka hor hadii la isticmaalo barar dajiyeyaal dabiici sida baraf kubakubays, biyo qandac oo lagu kubeeyo.

Bararka jugta iyo lahanka dambe oo ay yeelan karto toobinku wuxuu ku samaeyaa soo afjarid ay jugtu sababi karto mustaqbalka, Markasta oo toobinka loo deg-dego xiliga jugta dhacdo waa markasta oo lasoo afjaro lahankii dib dambe ay jugtu keeni lahayd mustaqka fog, ogow jugta oo aan helin daweyn kufira oo barar dajin dabiici iyo toobin isugu jirta oo ku filan waxay yeelataa doogdhiig dambe oo gadaal kasoo kacta!

Share :