Toobinku aad ayuu ugu fiican yahay xalinta ama cilaajinta caajiska iyo wahsida –Wahsidu waxaa keena sababo badan oo kala jaadjaad ah sida;- Dhiigqashinka oo ku bata jirka, Qulqulka dhiiga oo daciif noqda, Dhaqdhaqaaq yarida, Cadaadiska nafsiga ah iyo istareeska, Xanuunada Nafsi shaydaaniga(Xanash) – Qaabka uu u daweeyo toobinka caajiska iyo wahsidaa waa labo qaab oo kala ah:-
- Toobinku wuxuu jirka kasoo nuugaa dhiigqashinka gaar ahaan dhiigqashina gala qeybaha tunka iyo garbaha halkaaso ah bulaacada dhiigqashinka, kadibna jirku wuxuu soo ceshadaa firfircoonidiisii luntay iyo xaaladii dabiiciga ahayd ee Allah uu jika ku alkumay.
- Toobinku wuxuu firircooni galiyaa wareega dhiigga ee jirka guud ahaan ,gaar ahaan xubaha uu wareega dhiigu gaabsika noqday, firfircoonayanta wareega dhiigga ee waaxyaha jirka waxay u sabab noqotaa dawaynta cudurro badan oo caajiska iyo wahsida ay ugu horeeyaan!
- Toobinku wuxuu yareeyaa xanuunka nafsi shaydaaniga (ilaacada, dardarka jinka, iyo sixirka) marka ay jiraan xanuunadaas oo sababa wahsi iyo caajis aad u badan.
Qodobada caajiska iyo wahsida laga toobo waaa dhakada madaxa, jeekada tawaada ( aaga qadaadka) aaga tunka iyo aaga garbkaha lambarada -4,5, 6,7- halka bulaacada dhiigqashiku ku taalo, iyo xubinta dabogabinta.


