Marka la joogo dhaqtarinta ereyga iskuraran [ Syndrome ] waa calaamado xanuun oo is-huwan, kuwaas oo kutusimaaya caafimaad-daro jirta, xanuunka iskuraranta inta badan sababtiisa si toos ah looma grato!, waxaa loo aaneeyaa natiijo ka dhalatay isugaynta iskudhexyaacyo badan oo jirka lasoo gudboonaaday.
Tusaale Iskuraranta Neerfo-mindhicireedka oo af carabiga lagu yiraahdo (Qooloon casabi) af english-kana lagu dhaho [Irritable bowel syndorme; IBS] marka la qeexo iskurarntaan waa xanuun ku dhaca mindhicir weynaha, wuxu leeyahay calaamado aad ugu eg xanuunka gaas-calooleedka.
Iskurararta Daal-nooga gaamuray [ Chronic Fatigue Syndrome] waa xanuun ku dhaca jirka oo keena daal joogta ah oo aan nasiinadu wax u tarin, marka hawl yar la qabtana aad u kaca, wuxuu qofka haayaa mudo gaari karta lix bilood ama ka badan iyo ka badan.
Iskuraranta Xanuunka sooha murqaha (Xansoomur) [ Fibromyalgia] waa xanuun waayahaan dambe aad ugu soo badanaaya aduunka, gaar ahaan dadka soomaalida, wuxuu leeyahay calaamado xanuun aad u balaaran oo taaabanaya murqaha jirka oo dhan, meelaha gol-jileeca, wuxuu wataa iskudhecyaac daran oo xaga hurdada ah [Sleep Disturbance] iyo daal joogto ah.
Waxaa jira iskurarano kale oo jirka ku dhaca, kuwaas oo keena caafimaad-daro baahsan oo qofku uu ka dareemo jirka, Aalaa daweynta ugu haboon ee xanuunada iskuraranta ah lagula tacaalo waa daweynta dabiiciga ah sida uuminta jirka, riix-riixa iyo daliiga jirka, toobin daweeye, daawo dhireedyahda quseeya hagaajinta difaaca jirka
Waxaa qoray: Sheekh-dhaqtar / Cabdullaahi Xuseen ”Balaaqa”


