Hab-dhiska lafaha wuxuu ka mid yahay hab-dhisyada jirka ee sagaalka ah
Hab-dhiska lafaha wuxuu ka dhigan yahay qalfoofka bini aadanka. Qolfoofku wuxuu tiiriyaa isla markaana qaab u yeelaa hanaanka qurxoon ee jirka bini aadanka. Allah wuxuu leeyahay ( لقد خلقنا الانسـن في أحسن تقويم)
Qalfoofku wuxuu xambaarsan yahay jirka intiisa kale halkaasoo ay ka imaanayso ilwaada qurxoon ee bini aadanka Allah uu ku mannaystay.
Hab-dhiska lafaha wuxuu ka kooban yahay lafo badan oo kala qaab iyo xajmi duwan kuwaaas oo ishaysta iskuna xiran si ay isku xoojinayana waxay leeyihiin meelo kala goysyo ah oo ay isaga xirmaan, lafaha bini aadanka waxaa isku haaya xargo seedo ah oo u qaabaysan si farsamo RABAANI ah.
Qofka qaangaarka ah wuxuu leeyahay 206 lafoof, oo kala qaab duwan lakin caruurtu waxay leeyihiin 270 lafood. Marka ay caruurtu qaangaartu tiradu wey soo yaraanaysaa maxaa yeelay waxaa isku tirmaya ama isbiirinaya lafo badan oo noqonaya hal laf oo qura.
Soo unkamida lafaha
Lafuhu waxay soo unkammaan xiliga uur jiifka iyagoo ku bilawda carjaw kadibna si tartiib tartiib ah usoo adkaada.
Qeybaha Lafaha Qalfoofku Ka kooban Yahay
Qalfoofku wuxuu ka kooban yahy qeybahan soo socda:-
- Qalfoofka Tiiriye oo ka kooban:-
- Lafaha gambada madaxa: waa lafo xoodan oo Allah uu ugu tala galay in lagu qaabeeeyo maskaxda laguna ilaaliyo si looga difaaco maskaxda wixii jug, daqar ama waxyeelo kale ah ee ku yimaada madaxa.
- Laf dhabarta: waa lafo isku taxan oo leh lafo garaangar iyo kushuneetooyin isa suran waxana leeyihiin riciro gaaraya illaa 33 Ricir, laf dhabarta waa lafta ugu muhiimsan ee isku haysa qalfoofka qaarka kore ee bini aadan ka.

- Lafaha koombo xabadka: waa lafaha saablayda feeraha oo u samaysan sidii saab oo kale, lafahan waxay difaac iyo gaashaan u yihiin xubnaha kala ah wadnaha, sambabada iyagoo ka difaaca jugaha iyo wixii dhib kale ahoo lamid ah.
- Lafaha Sinaha: waa lafo qaab gaar ah leh oo ka duwan lafaha kale,lafta sinta waxaa ku yaala kala goyska ugu weyn ee isku xira qaarka kore iy qaarka dambe, lafta sinta waxaa ku xiriirsan lafa dhabarta oo ku dhamaata aaga lafta sinta, laftani
waxay difaac u yihiin xubnaha ay kamid yihiin kaadi haysta, malawadka minka iyo ugxaan sidayaasha.


