HAB-DHISKA NEERFAHA (SYSTEM NERVOUS)
Aragti Guud
Hab-dhiska neerfaha waa nidaam Allah uu jirkeeda ku falkiyey si jirku uu isku koonratoolo (iskula socda) habdhiska neerfaha wxuu la falgalaa waxkasta oo fal ama ficil ah oo uu jirku yeelo (Feker, Maqal, Arag, Dhadhan,Urin, Taabasho, Xataa Hawlaha Dheefshiidka ama Dareen Kasta), hab-dhiskani wuxuu maareeyaa iskuna dubaridaa hawlaha jirkiinu qabto kuwaas oo isugu jira kuwo doonis ku hirgala iyo doonis la’aan ku taaba gala sida:-hawlaha dheefshiidka, neef qaadashada, bugbuglayn wadnaha liqista,tufidda, ama dhaqdha-qaaq kasta oo jirku sameeyo.
Hab-dhiska neerfaha waa mid ka mid ah hab-dhisyada ugu murugsan ((ISKU MARAN ISKU GUNUGTAN)) ee jirku leeyahay, hab-dhiskani wuxuu ka kooban yahay in ka badan 100,000,000,000,000 (Boqol tiriliyan oo unug) Hab-dhiska neerfaha waxaa aasaas u ah maskaxda iyo xangulka.
Hab-dhiska neerfaha (Dareen wadayaasha) wuxuu ka kooban yahay labo qaybood oo kala ah:-
- Habdhiska neerfaha dhexe ’’HNDH’’ ;{Central nervous system ’’ CNS} iyo
- Hab-dhiska neerfaha docoha ’’HND’’ ; {Periveral nervous systm” PNS}
Habdhiska neerfaha dhexe ama sare qeybta maskaxda {Central nervous system} waxaa ka farcama neerfo maskaxeed ama neerfo madaxeedka12 xabo ah (waa neerfo lamaane ah oo ka kooban 12 mir waxaa loo soo gaabiyaa NEMA, (( oo laga wado neerfaha madaxa, waxaa loogu yeeraa afka qalaad (Cranial nervous)
Habdhiska neerfaha dhexe ee xangulka {Spinal nerves} waxaa ka tafiirma neerfo doceed {Periveral nervous } oo ka kooban 31neerfo doceed lamaane ah.


