
Hawsha toobista marka ay dhamaato waxaa jira dardaaran la siiyo toobanaha, dardaarka toobinka wuxuu daaran yahay, in la xaqiijiyo miro dhalka toobinka, iyo in laga taxadaro in natiijada toobinka gaabis noqoto amaba la waayo gabi ahaanteed, dardaaranka toobinka waxaa ugu muhiimsan qodobada soo socda:-
- Qofka la toobay wuxuu cabayaa toobiska ka gadal cabitaan biyo caadi ah ama kuwo macaan, si jirku looga haqabtiro baahida oonka yimaada toobidda kadib, maadaama dhiig badan ka baxay jirka.
- Qofka la toobay waa in uu nastaa, 48 saac ama labo maalin,maalinta la toobay nasiiino buuxda; (Ma sameenayo socod badan, hadal badan, ama hawl kale oo lagu masqhuulo) sidoo kake maalinta xigta maalinta toobidda waa in uu nasta nasiino haaf ah; taasoo micnaheedu yahay in uusan qaban hawl adag ama shaqo badan.
- Qofka la toobay mudo dhan (24-72) saac ma samaynayo wax galmo ah ama u dhigma galmo, (seegaysi) – maxaa yeeelay jirka ayaa mashquulsan ama daalan marka mshquulka iyo daalka galmada jirka waa ku culays… (Qofka dhalinyara ah waa in uusan samayn galmo ugu yaraan 24 aac, qofka gar madowga ahna waa inuusan samayn 48saac ugu yaraan, qofka waayeelka ah ama tacbaanka ah 72 saac (sadax cisho)
- Qofka la toobay waa inuu iska ilaaliyaa in jirkiisa ay ku dhadco dabayl ama hawo xoog leh, ha ahaato dabayl caadi ah, ama dabayl maxwaxad, maxaa yeelay qofka la toobay jirkiisa ayaa furan, gaar ahaan eeryada meelihii la toobay, waxaana si fudud u gali kara hawo jireed oo khatat ku ah caafimaadka jirka..
- Qofka la toobay isla marka la toobay ma isticmaalayo cabitaan dhanaan ah sida:cabitaan
raqay,cabitaanka liin dhanaan bilaa macaan ah, marka laga reebo qofka qaba dhiigdhaadhac oo isaga la siin karo cabitaan dhanaan balse ay tahay in la siiyo, sidoo kale ma isticmaalayo toobanaha cabitaan aad u qabow iyo cunto leh hah badan sida basbaas, toon badan,zanjabiil badan iwl.
- Qofka la toobay ma cabbayo isla marka la toobay cabitaanada leh maadada (cafien; dhugo) sida shaaah baraad, shaaha qorfaha, shaaha bunka (shaah qaxwo/shaah cofee) iyo wixii lamid ah oo ah wax kasta oo leh maadada (dhugo;cafien) marka laga reebo qofka leh dhiig dhaadhac oo ay tahay in la siiyo cabitaankaas..
- Qofka la toobay toobinka kadib ma cunayo cunto dufan badan leh, ama cunto culus, sidoo kale cuntada aad uga dhargi maayo, waxaa haboon toobinka kadib cunto fudud sida baaquli khudaarmirood ah (fruits ah) saxan Ansalaatooni ah. Casiiir (Cabitaan) kogtel oo rasiin ah iwl.
- Qofka la toobay hadii uu isticmaali jiray Tubaakada iyo jaadka ama waxkasta oo maandooriye ah, waa in uu maalinta la toobay joojiyaa, maxaa yeelay waxay qasayaan falcelintii wanaagsan ee toobinka ku samaynayo jirka.
- Toobinka kadib waxaa fiican in qofka la toobay uu wax sadaqayso, adkaarka uu badiyo, Allah uu kaga shukriyo waafajinta toobista nabawiga ah, sidoo kele waxaa haboon hadii ay munaasib noqoto in uu ka farxiyo qofkii toobay si dawaynta toobinka loogu kabo ducada dhaqtarka.
- Toobista kadib oo la isticmaalo intii usbuuc ah oo kale malab saafi iyo daawo shilajit aad bay u wanaagsan tahay waa daawo lagu kabay daawo kale…


