WAA MAXAY DALIIG?
Daliig ; waa jirka oo lagu isticmaalo Tuujin,Salaax, Riix-riix, Garaac,Gujayn iyo wixii la mid ah.. waxaa looga golleeyahay in jirku helo dareen dabacsanaan, furfurnaan jireed ama nafis, Daliigga oo la macaansado waxay calaamad u tahay in ay jirto xirfadaynta daliiga iyo baahi loo qabo daliigga.
Daliigga jirak, waa hab daweyn dabiici ah oo soo jireen ah,daliiggaa waxaa la soo isticmaalayey kumanaan sano… Daliigga waxaa kale oo la yiraahdaa duugista jirka ama masaajka (erayga masaaj wuxuu ka yimid English oo ah (Massage) erayga daliig wuxuu ka yimid af-carabi oo ah (dallaka) areyga duugis waa afsoomaali barax la’.
Daliigga waxaa lagu sameeyaa oogada jirka laakiin saamayntiisu waxay gaartaa dhamaan hab-dhisyada iyo waaxyaha jirka oo ay ka mid yihiin xubnaha uur kujirta.
Daliiggu wuxuu bilaa caafimaadka jirka iyo maskaxda isagoo keena dareen dabacsanaan iyo fur-furnaan jireed, wuxuuna hagaajiya xaalada nafsiga ah ee qofka isaga oo keena in jirku soo dhiiqo hormoonka Adkaysiga iyo Rayn-raynta ee (Faxfaxle; [Endorphine].
Daliiggu wuxuu u fiican yahay maqaarka xididdada dhiigga, murqaha, seedaha, lafaha, kala goys-yada iyo xiddido laamood, (Lymph vessels) intaba. Daliiggu waxaa lagu sameeyaa gacan ama lug ama mashiin.
GOORMA AYAA LOO BAAHDAA DALIIGGA JIRKA ?
Daaliigga waxaa loo baahdaa marka la dareemo daal, jacitd jireed, cabur jireed, iyo marka uu jiro xaalad cabasho gaar ah, xaaladaas oo daliiggu wax ka tari karo, sida murqo xanuun ama madax xanuun.
Daliiggu waa hab daweyn fudud oo aan laga maarmin usbuucii hal mar ugu yaraan.

NOOCYADA DALIIGGA
Daliigga marka laga eego ujeedaha loo sameeyo waa labo nooc oo kala ah:- Daliig Dabac iyo Daliig Daawo.
DALIIG DABAC: Waa daliig nafis waa daliig lagu xaliyo marka uu jiro xaalada daalka jirka, ama jactidka, Jacjidku waa daalka ka dhasha hawl la joogteeyo oo u badan hal nooc oo ah fadhi ama istaag ama socod, ama shaqo maskaxeed oo keenta daal-maskaxeed..
DALIIG DAAWO: Waa daliig dabiib, waa daliig lagu xaliyo marka uu jiro xanuun ama xaalado cabasho gaar ah, oo daliiggu wax katari karo, sida: qoor qallafka,jilbo qallaf, garbo xanuun, dhabar xanuun, lugo xanuun, ama murqo xanuun guud..

SOOMAALIDA IYO DALIIGGA
Soomaalida habka daliigga jirka aad buu ugu yar yahay isticmaalkiisa hor iyo hadaba, waxaa jira dad badan oo macnaha daliig ama duugis aan fahamsanayn, dadka qaar daliig ama masaaj waxay u fahamsan yihiin masaajo kulul oo jirka la mariyo oo kaliya. Daliiggu waa wax dhaqan ahaan soomaalida aad ugu yar.. isticmaalkiisa, Waxaa la aaminsanyahay xanuuno badan iyo cabashooyin ay qabaan qaar kamid ah dadka soomaaliyeed in ay sababtoodu tahay daliig la’aanta ay lasoo noolaayeyeen dadkaas mudo dheer..

DALIIGGA HADII LAGA DAAHO MAXAA DHICI KARA?
Marka uu jirku daal dareemo waxaa yimaada jactidka, marka uu jactidku sii bato, waxaa dhasha cabur jireed, hadii uu sii bato cabur jireedku, waxaa yimaada xanuun jireed laga dareemo murqaha seedaha iyo kala goysyada (lafaha).
Marka jirku jactido hadii uu helo daliig xirfadaysan taasi waxay xal u noqotaa jactidka oo la soo afjaro, si aan loo gaarin cabur jireeD sii dhala xanuun jireed.
Waxaa hubaal ah in daliig la’aantu tahay sababta ugu wayn ee soomaali badan ula taahayso cabasho iyo xanuuno kala duwan oo u badan murqaha, seedaha,lafaha iyo jirka guud haantiisa.
Dadka u baahan daliigga marka aysan helin daliig ku haboon jirkooda waxaa lasoo darsa caburjireed, daal joogto ah iyo qaabdaro ama juuc juuc iyo isfahmi waa

Waxaa haboon in dadka waaweyn ay helaan duugis gacanta ama qalab ah todobaadkii labo jeer ama halmar ugu yaraan.

Daliigga waxaa si gaar loogu baahdaa marka ay jirto xanuun, ama cabasho caafimaad oo daliiggu wax ka tari karo sida;- cabashooyinka xagga murqaha, seedaha,kala goysyada neerfaha, xaaladaha daalnooga, xaaladaha cadaadiska nafsiga ah, ama cabashooyinka la xiriira wareega dhiigga, wareegga dareeraha laanle [Lympha Fluid], dhamaan cabashooyinkaas daliiggu waa u daawo!

DALIIGGA JIRKA MAXAA LOO ADEEGSADAA?
Daliigga jirka waxaa loo adeegsadaa qalab ama gacanta, iyo lugta. Qalabka loo adeegsado waa qalab noocyo badan leh, waxaase ugu caansan Mashiinka Masaajeeye ama Daliigge; [Machine Massager], Kursi Masaajeeye; [Massager chair].
Mashiinada Masaajeeyeyaashu waa kala cayn cayn ah, sida kuwo ku shaqeeya koronta oo kaliya iyo kuwo la jaajareeyo.
NOOCYADA MASHIINADA WAX LAGU DALIIGGO
Mashiinada daliiggeyaasha ah (Massagers) waa kala cayn cayn sida ay muunadaysan yihiin , kuwo dhuudhuuban kuwo balbalaaran kuwo leh hal gan, kuwo leh labo naas, kuwo leh sadax ama afar madax, Sidoo kale waxaa kala duwan qaabka loo daaro iyo qaabka loo xoojiyo.. halkaan ka dheeho qaybo kamid ah masaajeeyeyaasha


KURSI DALIIGGE
Kursi dalliigge waa kursi caan ah oo loo isticmaalo daliiga kursiga ayaa waxaa la dhigaa meelaha barkulanka ee dadku isugu yimaadaan sida supermarket-yada carwooyinka waaweyn , hoolka rakaabka garoom-dada diyaaradaha , kursigani jirka oo dhan ayuu masaajeeyaa wuxuuna leeyahay daliig ama masaaj raaxo leh oo la jeclayso ..



