Daawo Qarraas waa daawo ka kooban, geedka gubtahanto /caleentiisa xididkiisa iyo mirihiisa,iyo ubaxiisa, waxay leedahay faa’iidooyin caafimaad oo aad u badan , hadaba halkeer ka aqriso todobo faa’iido oo daawo qarraas ay leedahay
- Hagaajinta Caafimaadka Dhiigga
Daawo qarraas waxay hagaajidaa hadana ay tayeysaa caafimaadka quseeya dhiigga sida dar-dargalinta wareegga dhiigga, sifaynta dhiigga waxyaabaha uskaga ah, dajinta cadaadiska dhiigga , kobcinta soo saarita unugyada cascas ee dhiiga (Qucasdhi)
- Yaraynta Xanuunada
Daawo qarraas waxay leedahay waxyaabo liddi ku ah caabuqyada iyo xanuunda jirka, taasoo keenaysa in loo isticmaalo lafo xanuunka, tufta muqqo xanuunka iyo wixii la mid ah..
- Hagaajinta Difaaca Jirka
Daawo qaraas waxay siisaa jirka idanka rabbi macaadin badan oo kor u qaada difaaca jirka, sida macdanta( birta, macdanta zink,fitamiin A, fitamiin C iyo kuwo kale..
- Hagaajinta Sixada Kaadi Mareenka
Daawo Qarraas waxay badisaa kaadida si qoqoyeenka saa’idka jirka looga sidaa darteed looma gaaro sifaynta kelyaha iyo kaadi haysta.
- Hagaajinta Caafimaadka Tinta Iyo Maqaarka
Daawo qaraas waxay ku fiican tahay hagajinta dhalaalka iyo tayeynta maqaarka, sidoo kale waxay bixisaa tinta iyada oo xalisa timo googo’a tinta
- Yareynta xasasiyada jirka
Daawo qarraas waxay caan ku tahay yareynta xasaasiyada, nooc kasta oo ay tahay, sida xasaasiyada cuntada, xasaasiyad daawada, xasaasiyda waxyaabaha la marsado xasaasiyda sanboorka iyo xasaasiyad xiliyeedka.
- Hagaajinta Dheef-Shiidka
Daawo qarraas waxay xalisaa dhibaatooyin badan oo xagga dheefshiidka ah sida gaas calooleedka, dibiradda, dheefshiid culays, iyo calool fadhiga


