Waa daawo ka samaysan saliid gaar ah, oo laga dhalaaliyey noocyo gaar ah oo ka mid ah kaluunka badeena oo loo yaqaano indho-toosh .
Saliidan waxay hodan ku tahay maadooyinka soo socda
- Omeca 3
- Vitamin D
- Vitamin A
- Vitamin E
- iyo walxo wadeedyo badan oo faa’iidooyin caafimaad oo badan leh.
Faa’iidooyinka Daawo Kaaftoon
Kaaftoon waxay ka samaysan tahay saliida nooc kamid ah malaayga oo la yiraahdo indho-toosh, saliidaani waa cunto bile [Food suplamnet] caaan ah oo aad caalamka looga isticmaalo waxay leedahay faa’iidooyin caafimaad oo badan ..hadab hal-qorista soo socota waxay ku soo bandhigi doonaa faa’iido caafimaad ee ugu muhiimsan oo ay leedhay daawadan aan ugu magac darnay daaowo-kaaftoon.
B) kaaftoon iyo Fitamin D3
Daaw kaaftoon waxay hodan ku tahay fitamin d3 , fitaminkaan waa fitamin, dadka soomaaliya jooga markasta la baaro ku yar! Iyada oo sabata ugu weyn ay tahay, qoraxaysiga oo aad ugu yar soomaalida inkasta oo ay qorax fiican ay haystaan, marka daawadni waxay siinaysaa qofkii isticmaala fitamin D dhamaystiran oo hadana tayo leh..
T) Kaaftoon iyo wareegga dhiigga
Saliid kaaftoon looma gaaro cabshooyinka iyo cudurada xaga waeegga dhiigga quseeya, waxaana ka mid ah cabashooyinka lagula tacaalo kaaftoon:-
- Tayeynta wareegga dhiigga ee xididdada
- ka hortaga xinjirawga dhiigga ee saa’idka ah.
- Daweynta caabuqyada xididdada dhiigga
- ka hortaga halbawle qallafkam [Mutipile Sclerosis]
- dajinta dhiigga kacsan [Hypertension]
- shiiqinta dux-dhiigga xun (Dudhixu ) ;[ LDL ]
- iskuduwida bugbuglaynta wadnaha.
J) kaaftooon iyo lafaha / murqaha
- kahortaga lafo / murqo xanuunka
- daweynta lafo/ mrqo xanuunka
- xoojinta murqaha jirka oo dhan.
- Soo dhalinta murqah shiiqay.
- Yaraynta cudurka xanuunka sooha murqaha [Fibromyalgia]
X) Kaaftoon iyo maskaxda neerfaha
Kaaftoon waxay aad ugu fiican tayahy tayeynta maskaxda iyo neerfaha jirka, waxaa kamid ah waxterkeeda:-
- Xoojinta awooda shaqada maskaxda qeybaheda kala duwan..
- Tayeynta neerfaha madaxa ee (Cranial nervers; ‘’Nema’’)
- Xoojinta neerfaha guud ahaan.
- Yaraynta dhibka neerfo qallafka xun ( Ms disease)
- Daweynta hurdo yarida.[ insomnia]
- Dib usoo cuarinta neerfaha dhintay.
KH) kaaftoon iyo maqaarka / timaha
Kaaftoon waxaa aad loogu isticmaalaa :-
- Ilaalinta iyo xoojinta dhalaalka oogada wajiga iyo jirka…
- yareeyna haaraha wajiha iyo jirka kale
- tayeynaa timaha bixis iyo dhalaalka timaha
D) kaaftoon iyo kaadi mareenka
Kaaftoonwaxay caan ku tahay tayeynta iyo bushitirka xaaladahan soo socda
- waxay ka hortagtaa ama xalinta caabuqyada kaadimareenka
- waxay xoojisaaa qanjirka borostaatada [Prostite gland]
- waxay shiiqisaa babrka borostaadaa jirka oo noocyo kala duwan leh.
- Daweynta kaadi baxsadka
R) kaaftoon iyo indhaha / dhagaha
Daawo kaaftoon looma gaaro cabashooyin badan oo ku saabsan indhaha iyo dhagaha , bal dhuux sida ay wax ugatarto cabashooyin badan.
- Waxay xoojisaa indhaha nuurkooda
- Waxay daweynsaa noocyo xasaasiyad indeed ah
- Waxay u fiican tahay indho daalka iyo indho qalalka..
- Waxay xoojisaa maqalka dhegaha
- Waxay daweysaa si xoog leh dhago guuxa[] oo leh dhawr nooc.
S) Kaaftoon iyo difaaca jirka
- Waxay kor u qaadaa difaaca jirka iyada oo badisa tirade iyo tayada unugyda cadcad ..
- Waxay hagaajidaa habdhiska difaaca jirka si loo daweeyo cuduro difaaceedka [autoimmune diseases]
SH) Kaaftoon iyo dadka aan isticmaali Karin
Waxaa jira dad aan loo ogolayn in ay isticmaalaan daawada kaaftoon waa noocyadaa soo socda:-
- Dadka ku qaba xasaasiyada daawada kaaftoon
- Dadka la dhiban cudurka xinjirka waaga [ Hemophilia]
- Dadka lagu samayn rabo qaliin waa in ay joojiyaan maalmo ka hor qaliinka
Dh) Kaaftoon iyo isasaamaynta dawooyinka kale
Kaaftoon iyo isasaamaynta dawooyinka kale
Waxaa suurtagal ah in ay isasasaameeeen daawada kaaftoon iyo dawooyinkaan soo socda:-
Dawooyinka loo isticmaalo ka hortaga xinjirawga sida dawooyinka dhiig firdhiyeyaasha [ warfarin]
Dawooyinka xanuun bi’iyeyaasha sida [ Abrofin, naprogsin]
Dawooyinka dhiigkarka sida xaasiraatu biitaa
Qaab isticmaalka daawo kaaftoon
Daawo kaaftoon waxaa loo isticmaalaa sadaxa qaab oo kala ah:-
- In lagu darsado cuntada qiyaas 2-3 qaado iyo labo jeer maalintii
- In laga dabo cabo cunto cunista kadib 2-3 qaado iyo waqti maalintii
- In lagu darsado biyo la eg 70 ml qada 2-3 qaado ah kadibna la isku luxo biyaha iyo daawada kadibna la isticmaalo cuntada ka hor labo jeer maalintii


